Barnaamijka Baadhista Candhuufta
Boggan waxaa lagu heli karaa luuqadaha soo socda:
Barnaamijka Baarista Candhuufta ee Isbitaalka Carruurta Jirran (SickKids) wuxuu siinayaa kitka baarista candhuufta, sidoo kale loo yaqaan Kit-ka Candhuufta, ardayda iyo shaqaalaha leh astaamaha si looga baaro hargabka, fayraska respiratory syncytial (RSV) iyo COVID-19 ee dugsiyada la doortay ee Aagga Toronto oo dhan.
Barnaamijku wuxuu bilaabmay Sebtember 2020 si looga baaro COVID-19 dugsiyada Toronto. Sannad-dugsiyeedka 2024–25, barnaamijka waala ballaarin doonaa si loogu daro baarista hargabka iyo RSV oo lagu daray COVID-19.
Astaamaha hargabka, RSV iyo COVID-19 waxaaka mid ah:
Qandho, qarqaryo, neef qabatow/shanqadh feedhaha, urta ama dhadhanka la waayo/hoos u dhacda, duuf/cabudh, madax-xanuun, daal badan, cune xanuun, murqo ama kala-goysyada oo xanuuna, matag/shuban.
Haddii aad dareemayso astaamahan, raac agabka qiimaymta nafsiga ah ee Caafimaadka Dadweynaha Toronto (PDF) iyo siyaasadaha dugsiga oo raac hagaha lagu siiyey.
Dugsiyada Toronto, dibudhugo macluumaadka Caafimaadka Ddaweynaha Toronto, iyo sida loo yareeyo faafitaanka fayrasyada habneefsiga. Wixii laxiriira COVID-19, raac bogga COVID-19 ee Caafimaadka Dadweynaha Toronto.
Tallaabada 1aad ee Barnaamijka: Soo qaado Kitka Candhuufta
Ka soo qaado Kitka Candhuufta goobta dugsigaagu ugu talogalay xarunta Qaadashada Kitka Candhuufta. Haddii aad leedahay astaamaha aadna joogto guriga, waxaad ka codsan kartaa qof inuu imaado dugsiga sii uu kuugu soo qaado Kitka Candhuufta.
Kitkaaga Candhuufta waa inay ku jiraan:
- Weelka qaadista candhuufta iyo masaf
- Bac balaastig ah si loogu keydiyo candhuufta (bacda qashinka halista ah)
- Calaamad loogu talogalay in la buuxiyo oo lagu dhajiyo weelka candhuufta
- qaadista iyo foomka shuruudda oo ay tahay in la buuxiyo
- Tilmaamo ku saabsan sida loo qaadayo iyo loo calaamadinayo muunada candhuufta
- Tilmaamo ku saabsan sida loo helayo natiijooyiinka
Tallaabada 2aad ee Barnaamijka Buuxi baaritaanka
Dibu-eeg Tilmaamaha Qaadida Candhuufta (PDF).
- Daawo muuqaalka 'Sida loo qaado muunada candhuuftaada'
- Daawo muuqaalka 'Sida loo buuxiyo calaamadaada caafimaad iyo foomka shuruuddashaybaarka'
Xusuusnow inaad u buuxiso foomka shuruudda si sax ah oo soo raaci muunadaada.
- Iska ilaali inaad cunto, cabto, calaliso xanjo, sigaar cabtid, ama feeb 30 daqiiqo kahor qaadida muunada.
- Candhuuf ku shub ilaa khadka cas ee weelka candhuufta (1 ilaa 2 ml, xumbada candhuufta lama xisaabiyo.
- Ku xir dabool buluug ah. Markaad daboosho, si tartiib ah u rux saddex ilaa shan jeer.
- Magaca koowaad/ka u dambeeya ee sharciga ah iyo taariikhda dhalashada waa inay udhigantaa midka kaarka caafimaadka, stikerka calaamadda, iyo foomka shuruudda.
- Calaamadda waa in lagu dhajiyaa weelka candhuufta.
- U buuxi foomka shuruudda shaybaarka si dhammaystiran. Foomka waa in loo buuxiyo si dhammaystiran si muunada looga shaqeeyo.
- Ku rid muunada iyo foomka shaybaarka bacda qashinka halista ah oo u xir si adag.
- Ku ilaali muunada talaajadda ilaa aad keenayso.
Tallaabada 3aad ee Barnaamijka: Keen muunadaada
Kitka Candhuufta oo la buuxiyay ayaa la dhigi karaa qaboojiyaha ku yaal xarunta dugsigaagu ugu talogalay Dhigista Kitka Candhuufta. Natiijada maalinta xigta darteed, keen muunadaada kahor intaanu imaan qofka qaadaya dugsigaaga (waxaad ka xaqiijin kartaa waqtiga imaanshaha qofka qaadaya maamulka dugsigaaga).
Muunadaha waxaa la qaadaa Isniinta ilaa Jimcaha (laga reebo fasaxyada) oo la geeyaa SickKids si loo baaro.
Tallaabada 4aad ee Barnaamijka: Dibu-eeg natiijooyinkaaga
Natiijooyinka oo dhan waxaa laga heli doonaa MyChart 24 ilaa 48 saacadood gudahood marka la keeno muunada.
Haddii aadan lahayn akoonka MyChart, waxaad ku samaysan kartaa akoon si bilaash ah. Waxaad u baahan doontaa Lambarka Kaarka Caafimaadka ee Ontaariyo si aad u samaysato akoon, haddii aadan lahayn Lambarka Kaarka Caafimaad Ontaariyo, fadlan la xiriir school.salivatesting@sickkids.ca wixii natiijooyin ah.
Mararka qaar baaritaannada lama awoodo in la habbeeyo iyada oo ay ugu wacan tahay candhuuf ku filan oo aan ku jirin weelka ama foomka shuruudda foomka shaybaarka oo aan sisax ah loo buuxin. Haddii baaritaankaaga la awoodi waayo in laga shaqeeyo, waxaad wicitaan ka heli doontaa bixiyaha SickKids.
- Waxaad wicitaan ka heli doontaa bixiyaha SickKids. Haddii kooxda caafimaadka SickKids ay awoodi weyso inay kula soo xiriirto, iimayl ayaa laguugusoo diri doonaa iimaylka aad soo raacisay foomkaaga si laguugu ogeysiiyo natiijooyinka inay diyaar ku yihiin MyChart.
- SickKids ma ogeysiin doonto dugsigaaga.
- Waxaad heli doontaa ikhtiyaar aad kaga qaybqaadato cilmi-baaris haddii aad xiisaynayso.
Haddii baaritaankaagu uu noqdo negatif lagumasoo wici doono.
Muuqaal: Sida loo buuxiyo calaamadaada caafimaadka iyofoomka shuruudda shaybaarka
Fadlan ogsoonow tilmaamahan waxaa loogu talogalay muunadaha caafimaad ee Barnaamijka Baaritaanka Candhuufta ee SickKids. Macluumaad ku saabsan cilmi-baarista calaamadaha muunada iyo shuruudaha, fadlan akhri 'Tilmaamaha Qaadida Candhuufta' ee lagu daray kitkaaga cilmi-baarista, iyo sidoo kale 'Cilmi-baarista Baaritaankaaga Candhuufta ee SickKids' ee qaybta hoose.
Cilmi-baarista Baaritaanka Candhuufta ee SickKids
Caabuqyada neef-mareenka ee fayrasku keeno waxay guud ahaan saameeyaan carruurta waxayna ku keeni karaan xaalado caafimaad oo halis ah carruurta qaarkood. Fahamka sida caabuqyada neef-mareenka sida hargabka, RSV iyo COVID-19 ugu fidaan carruurta dhexdooda waxay ka caawin kartaa shaqaalaha caafimaadka dadweynaha iyo daryeelka caafimaadka xilliyada dillaaca cudurrada iyo safmarka mustaqbalka.
Intii lagu jiray sannad-dugsiyeedka 2024–2025, SickKids waxay la shaqaynaysaa Public Health si si fiican loogu fahmo:
- Sida xaddiga fayraska isu beddelo muddada caabuqa sida caabuqyadu ugu dhex fidaan qoysaska, iyo
- Sida caabuqyadu ugu dhex fidaan fasallada iyo inta jeer ee carruurta ay ku dhacaan caabuqyadani
- Xitaa marka aysan dareemayn xanuun.
Yaa ka qaybqaadan kara?
- Shaqsiyaadka laga helo hargabka, RSV iyo COVID-19 waxay ikhtiyaar u haystaan inay sameeyaan baadhis candhuuf oo maalinle ah muddo 10 maalmood ah.
- Shaqsiyaadka laga helo hargabka, RSV iyo COVID-19 waxay ikhtiyaar u haystaan fursad ay qoyskoodu ku helaan
- Fasalladu waxay heli karaan kitka cilmi-baarista. Haddii fasalka ilmahaaga la siiyo kitka cilmi-baarista, waxay fursad u haystaan baaritaan candhuuf oo hal waqti ah.
Dhammaan cilmi-baarisaha waa ikhtiyaari, mana aha inaad ka-qaybqaadatid haddii aadan rabin. Dhammaan muunadaha cilmi-baarista waa qarsoodi oo dhammaan macluumaad shaqsiyeed waa laga saaraa. Waad dooran kartaa haddii aad jeceshahay natiijooyinka muunadaada. Samaynta baaritaan caafimaad kaagama baahna inaad ka-qaybqaadato cilmi-baaris.
Ilmahaygu wuxuu ka helay dugsiga Kitka Candhuufta
Ilmahaagu waxaa loo siiyay Kitka Candhuufta sababtoo ah fasalkooda ayaa loo doortay in la baaro.
Fasallada waxaa laga dooran doonaa sannad-dugsiyeedka oo dhan si aanu u ogaano inta jeer ee caabuqyadani ku dhacaan carruurta xita iyaga oo aan yeelan astaamo.
Ilmahaaga waxaa laga codsaday inuu keeno muunad candhuuf oo hal mar ah. Ka-qaybqaadashooyinka oo dhammi waa ikhtiyaari, oo adiga ama ilmahaaga ayaa go'aansan kara inaad soo celiso muunada iyo inkale. Muunada waxaa alga baari doonaa caabuqyada hargabka, RSV iyo COVID-19. Wax baaritaan hidda-sidaha ah oo lagu samayn doono muunada ma jiro.
Adiga iyo ilmahaaga ayaa ikhtiyaar u leh haddii aad jeceshahay inaad ogaato natiijooyinka cilmi-baarista muunada.
Waxaad samaynayso
- Adiga iyo ilmahaaga ayaa go'aansan kara haddii aad jeceshahay inaad gudbiso muunad cilmi-baaris iyo haddii kale.
- Waxaanu kaa codsanaynaa fadlan inaad ku soo celiso kitka aan la isticmaalin qaybta 'Kitka Candhuufta ee Aan La Isticmaalin' ee fasalka ilmahaaga haddii aad go'aansato inaadan ka-qaybqaadan.
- Haddii aad jeceshahay inaad ka-qaybqaadato, baro sida loo qaado muunadaada.
- Haddii aad jeceshahay inaad soo gudbiso muunad cilmi-baaris, adiga iyo ilmahaaga ayaa go'aansan kara haddii aad jeceshahay inaad ogaato natiijooyinka muunada cilmi-baarista.
- Natiijooyinka lalama wadaago dugsiyada, caafimaadka dadweynaha, ama dhakhtarkaaga. Natiijooyinka adiga ayaa go'aansanaya haddii aad rabto inaad hesho iyo/ama la wadaagto.
- Natiijooyinku waxay qaadan karaan in ka badan waqtiyada caadiga ah ee laga shaqaynayo.
- Raac Tilmaamaha Uuruinta Candhuufta – Fasalka (PDF). Dhammaystir tijaabada candhuufta. Ku buuxi calaamadda iyo foomka shuruudda ee lagu siiyay ikhtiyaarka aad doorato.
- Haddii aad jeclaan lahayd natiijooyinka muunada, ku qor magaca macmiilka iyo macluumaadka foomka shuruudda. Tani waa in lagu ogeysiiyo natiijada. Faahfaahinta waa laga saari doonaa muunada cilmi-baarista kadib marka lagu ogeysiiyo.
- Qor da'ada ilmaha sannad ahaan oo calaamadee jinsigooda sharciga ah.
- Calaamadee 'symptomatic' haddii qofka la baaray uu leeyahay astaamo, ama calaamadee 'no symptoms' haddii qofka la baaray uusan lahayn astaamo. Haddii ay leeyihiin astaamo, fadlan qor astaamaha (tusaale: qufac, qandho) oo qor taariikhda marka calaamadii koowaad bilaabatay.
- Qor taariikhda iyo waqtiga marka muunada candhuufta la qaaday.
- Ku hay muunada candhuufta talaajadda ilaa aad keenayso.
- Keen muunadaada cilmi-baarista fasalka ee la dhammaystiray xarunta 'Dhigista Kitka Candhuufta' ee dugsigaaga.
Baaritaanka Shaqsiyeed iyo Qoyska
Haddii ilmahaagu noqdo boosatif, oo aad xiisaynayso qaybaha baaritaanka shaqsiyeed iyo kan qooyska ama qoyska, kooxdayada cilmi-baarista ayaa ku siin doona faahfaahin dheeraad ah oo isku dubaridi doona keenista kitka.
Dheefaha ka-qaybqaadashada
Macluumaadka aannu barano ayaa naga caawin kara inaanu si fiican u fahano muddada ay carruurta hayn karaan caabuqyada fayrasyadani iyo sida ay ku fidaan. Go'aanno la ogyahay waxay ka yimaadan xog fiican, taas oo caawin karta caafimaadka dadweynaha iyo kahortagga fayrasyadan mustaqbalka.
Ka-qaybgalayaashu waxay heli doonaa foojar yaroo mahadnaq ah oo ah kaar hadyadeed oo loogutalogalay shaqsiga ama qoyska la baarayo. Carruurta ka-qaybqaadanaysa ee baaritaanka shaqsiga ama qoyska waxaa sidoo kale la siin doonaa saacado mutadawacnimo waxaana la siinayaa shahaadada ka-qaybqaadashada. Fasallada ka-qaybqaadanaya waxaa la gelin doonaa bakhtiyaa-nasiib loogu dabaaldegayo waayo-aragnimadaa oo ay oggolaaden maamulkadugsigooda.
Xiriirka
Nagala soo xiriir iimaylka:
- Weydiimaha Barnaamijka Baarista Candhuufta ee SickKids: school.salivatesting@sickkids.ca
- Weydiimaha Cilmi-baarista Baaritaanka Candhuufta ee SickKids: school.salivaresearch@sickkids.ca
Magaca daraasadda: Isbeddellada Fayraska Hargabka, RSV, iyo SARS-Cov-2 ee Carruurta iyo Isu-gudbinta Labaad ee Ka Dhex Dhacda Qoysaska iyo Baarayaasha Guud ee SickKids (PI): Dr. Michelle Science & Dr. Aaron Campigotto
Maya. Baaritaanku waa ikhtiyaari.
Haddii aad marto baaritaan iyo hadii kaleba, raacsiyaasadaha dugsigaaga iyo hagaha caafimaadka dadweynaha wixii astaamo ah ee aad dareemayso.
Natiijooyinka looma shaacin doona dugsigaaga. Natiijooyinka keliya wax alala wadaagayaa qofka helaya shaacinta.
Maya. Baaritaanka caafimaadka iyo baaritaanka cilmi-baarista waa kala gaar. Haddii aad marto baaritaan caafimaad, waxaa loola dhaqmi doonaa sida baaritaanka caadiga ahee lagu sameeyo xafiiska dhakhtarkaaga ama isbitaalka. Baaritaannada cilmi-baarista waxaa lagu calaamadiyaa baaritaanno cilmi-baariseed oo gebi-ahaantood waa ikhtiyaari.
Wuxuu la mid yahay sixitaanka suufidda cunaha iyo sanka.
Goobaha la dhigayo dugsiga ayaa gaar u leh. Si sahlan loogu helo, waxaa lagu talinayaa in la dhex dhigo qaybta laga soo galo ee hore iyo/ama hoolka. Ka hubi agabyada isgaarsiinta ee dugisgaaga si aadu ogaato halka ay tahay goobta dhigista ee dugsigaaga.
Waalidka/masuulka/xubinta qoyska iyo/ama shaqsiga maraya baaritaanka ayaa ka mas'uul ah hubinta saxnaanta buuxinta shuruudda shaybaarka iyo calaamadda muunada.
Macluumaadka muunadaha caafimaad waa inay yihiin kuwo dhammaystiran oo sharci ahaan sax ah. Magacyada la doorbido lama aqbali karo waqtigan.
Muunada waxaa la keeni doonaa maalinta xigta ee la qaadayo.
Haddi aad keento muunad Jimcaha kadib marka qofka qaadaya uu qaaday muunadihii, waxaanu kaa codsanaynaa inaad ku hayso muunada talaajadda fasaxa toddobaadka oo aad keentid Isniinta kahor intaanu qaadin qofka qaadaya. Tani waxaa loo samaynayaa in la hubiyo heerkulka muunada xilliga fasaxa toddobaadka.